Wiil da’yar oo kunool Puntland oo ku guuleystay naqshadeynta diyaarado (WARBIXIN)

Cabdullahi Qosal Biid waa wiil da’yar kuna nool Degmada Xarfo Gobalka Mudug wuxuu horay ugu guuleeystay isku dayo wanaagsan  oo kasoo maaxday maskaxdiisa, kuwaas oo uu ku sameeyay diyaarado uu isagu farsameeyay balse Cabdullahi fikradisii iyo farsamadiisii horay kagama uusan harin isku daygii koowaad ee guuleeystay, waxaana haatan uu sameeyay diyaarado ka duwan kuwii hore, maadaama kuwii hore aysan aheyn kuwa socanaya ama duulaya.

Cabdullahi Qosal Biid ayaa hadda waxuu farsameeyay diyaarado gacan ku sameeys ah kuwaa oo isugu jira kuwa duulaya ama socanaya taasna waa mid muujineysa dadaalka maskaxeed ee wiilkaan yar.