XOG: Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo iska diiday la kulanka Farmaajo

Madaxweynayaasha Puntland H.E Said Abdullahi Deni iyo Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa iska diiday la kulanka Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Farmaajo oo soo maraya Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Siiyaasiyiin ku heyb ah Labada Madaxweyne uu dalbaday in lala heshiisiiyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sidoo kalena ay wada qaataan kulan gaar ah, balse Deni iyo Axmed Madoobe ayaa ku gacan seyray dalabka Farmaajo, iyagoo sheegay in aysan doonayn kulan gaar ah oo ay la yeeshaan, uusana ugu jirin qorshaha safarkooda Muqdisho.

Farmaajo tan iyo markii uu ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare Rooble arrimaha doorashada iyo amnigeeda, waxaana la sheegay in La-taliyayaashiisa ay u soo jeediyeen inuu heshiis la gaaro Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ah cida kali ah ee xilligan u sameyn karta maqaam Siyaasadeed.

Idilnews