Baarlamaanka Puntland oo la barayo doorka xeer-dejinta (Sawirro)

Ku-simaha Guddoomiyaha Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta furay kulan Aqoon-isweydarsi ah oo ay ka qeyb-galeen Xildhibaano & Hawl-wadeeno ka tirsan Golaha Wakiillada kaas oo ay qabatay Hay’adda MAX PLANCK Foundation.

Guddoomiyaha ayaa ugu horayn uga mahadceliyey Hay’adda MAX PLANCK Foundation, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto.

Aqoon-isweydarsiga ayaa lagu baranayey doorka xeer-dejinta, waxaana is-barbar dhig lagu sameeyay dhammaan dastuuradda Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federalka ee Soomaaliya, iyo dalal badan oo aduunka ah.