Dowladda Soomaaliya & AMISOM oo ka wada hadlay amniga doorashada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa la kulmay Madaxa Amisom iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira oo ay wehliyaan  saraakiisha sarsare ee howlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo sida amniga doorashooyinka loo sugi lahaa.

Madaxa AMISOM iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha midowga Afrika Ambassador Francisco Madeira ayaa balan qaaday in laamaha Amniga Soomaaliya ay kala Shaqeyn doonaan sugida howlaha amniga doorashada Soomaaliya.

Kulankaan looga hadlayay amniga doorashada Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Wasiirka Amniga Soomaaliya uu shaaciyay in Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay diyaariyeen qorshaha sugida Amniga doorashada.