Madaxweynaha Puntland “Dadkii barakaca ku yimid Puntland xilligii burburka wey is-diiwaangalinayaan” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay habka ay u socoto hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada Puntland oo hadda ay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ay ka socoto saddex-dii degmo ee ugu horeysay kuwaasi oo kala ah Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu Hambalyeeyay Ardeyda Puntland oo shalayto u fariistay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee sanadka 2020/2021, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Waxbarashada iyo Masuuliyiinta Dowladda ee kala shaqeeyay in iyadoo adduunka uu ka jiro Cudurka Covid19, hadana ay ardeydu gelayso Imtixaanaadkii.