Meydka ganacsade Soomaaliyeed oo laga helay duur ku yaalla Dalka Kenya

Ehelada nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo la waayey 13 bishan ayaa xaqiijiyey in maydkiisii laga helay meel duur ah oo ku taal Mwea ee gobolka Kirinyaga oo Nairobi u jirta 180 km.

Meydka marxuum Bashiir Maxamed Gaboobe laga helay meel duur ah ayaa waxaa ka muuqday rasaas iyo nabarro kale oo jir dil ah.

Marxuumka oo haystay dhalashada Maraykanka ayaa madax ka ahaa shirkad ganacsi oo ka shaqaysa dhismaha, mashaariic waaweyna ka wadday dalka Kenya.

Bashiir Maxamuud ayaa muddo todobaaddo ah la la’aa, balse waxaa maalmo yar kaddib markii la waayay ayaa lagu arkay duleedka magaalada gaari la rumaysan yahay in uu yahay kiisa oo la gubay.

Bashiir oo ah Soomaali Mareykan ayaa 35 sano jir ahaa ayaa waxa ay qareennadiisa ku sheegeen inuu ahaa qof furfuran iyadoo kiiskiisa uu xujo ku noqday xitaa booliska baaraya.