Shirka Madaxda Soomaalida oo maalintii labaad galay

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii labaad galay, waxaana lagu gorfeynayaa xal u helida caqabadaha hortaagan hirgalinta heshiiskii 17-kii September.

Shirkan oo uu Shir-guddoominayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayaan Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa shalay diirada lagu saaray Ajandaha Shirarka soo socda, Madaxda ayaana ka gaaray is afgarad, sida ay Idilnews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirka Madaxda Soomaalida ee ka socda Muqdisho ayaa ka duwan Shirarkii hore, maadama uu dibad joog ka yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo lagu eedeeyo inuu fashiliyay Shirarkii hore ee Muqdisho iyo Dhuusamareeb, waxaana Hanaanka Doorashooyinka Dalka hoggaaminaya haatan Ra’iisul Wasaare Rooble.

Idilnews