Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Madaxda Soomaalida ee Muqdisho

Waxaa soo dhammaaday maalintii labaad ee shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasi oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in xubnaha ka qeyb-galaya shirka ay maanta billaabeen ka doodista qodobbada turxaan bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, islamarkaana laga sameeyay horumar wanaagsan.

Macallimuu ayaa sheegay inay jirto rajo wanaagsan oo ah in la isku raaci doono qodobada laga hadlay, si ugu dambeyn heshiis loo gaaro, kaasi oo hoggaamin doona in dalka uu doorasho aado.

Shirka ayaa sii socon doona maalinta berri ah, si loo sii falanqeeyo ajandayaasha horyaalla shirka, sida uu sheegay afhayeenka.

Shirka waxaa ka qeyb-galaya ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, HirShabeelle Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

About the Author

Jibril Qoobey
(ISBITALKA )GMC- HOSPITAL DHAGACADE. Kabilowdey Qaliimo losamenayo Qaar Kamidah Ciidanka ku Xaraysan Xerada General Carays ee Deegaanka Godod. Qaliinada Losamenayo Ciidanka waxa iska Kashanaya Musharax Duqa Dagmada Galkacyo Cawil Cabdile iyo (ISBITALKA )GMC- HOSPITAL. DHAGACADE. Waxa Qaliinada Fulinaya .Dhaqatirta kala Ah. DR Maizid iyo DR Cabdale Horeeye. Qaliinadan manta kabilowdey Isbitalka GMC HOSPITAL DHAGACADE . Waxa Goobjoog ka ahaa musharax Duqa Dagmada gaalkacyo mudane Cawil Cabdile iyo sido kale Taliyaha Ciidanka Darawiishta gobolada mudug iyo Ceyn ee Puntland mudane Sharmake shiikh doon iyo . Agasimaha Isbitaalka GMC- mudane Maxamed Cabdirisaaq warsame iyo masuuliyen kale.