Booliska Jubbaland oo amar hor leh kasoo saaray xirashada Indhashareerka

Ciidammada Booliska Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale adkeeyay joojinta xirashada indhashareerka ( Niqaabka), Arrintaan ayay sheegeen in ay ciidammadu uga goleeyihiin adkeynta amniga maaddaama ay cadowga ummaddu u isticmaali karaan falal amniga liddi ku ah.

Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii amar kaso baxay Jubbaland lagu mamnuucay xirashada indhashareerka xiligaas oo ay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab isku dayeen in ay rag usoo galiyaan indhashareer si ay isugu ekaysiyaan dumarka Soomaaliyeed kaddibna dhibaateeyaan dadka masaakiinta ah ee aan waxba galabsan.

Taliyaha ciidammada Booliska Jubbaland oo la hadlay warbaahinta Jubbaland ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23 Maayo 2021 la adkeeyay joojinta xirashada Indhashareerka si loo adkeeyo amniga guud ee shacabka.