Dagaal sababay khasaare oo ka dhacay Gobalka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Deegaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanballe.

Dagaalkan oo u dhexeeyay Labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Guriceel iyo Balanbale ayaa sababay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 7 kale, sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalkan ayaa salka ku haya aano qabiil, waxaana muddooyinkii u dambeeyay deegaanadaas kusoo noqnoqonaya colaada beelaha, taas oo galaafatay nolasha tobonaan qof, oo ay kamid yihiin Carruur iyo sarkiil katirsan Ciidanka Dowladda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews.