Laascaanood: Weerar lagu qaaday xarumaha xisbiyadda Somaliland

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya in xalay rag hubeysan oo aan heyd tooda la aqoon ay weerar ku qaadeen xarumaha magaaladaasi ay ku leeyihiin seddaxda xisbi ee ka jirta Somaliland.

Raggan hubeysan ayaa bar tilmaameedsaday xafiisyada Xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADANI, waxaana ku dhaawacmay rasaasta ay fureen hal qof, sida ay inoo xaqiijyeen dadka deegaanka.

Weerakan ayaa imaanaya xilli maanta lagu wado in Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu Olalahiisa doorashada ku qabsado fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Laasacaanood iyo deeganada kale ee Somaliland, waxaana dadka deegaanka soo wajahday cabsi xooggan.

Shalay ayeey aheyd markii si rasmi ah oo loo bilaabay Olalaha doorashada xisbiyada siyaasadeed ee Somaliland,  iyadoo dhawaan dadka ay u dareeri doonaan goobaha Codbixinta .