Madaxweynaha Puntland “Wadada uu ku socdo Shirku waxay soo afjari doontaa khilaafkii horey u jiray” (VIDEO)

Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa sheegay inuu si wanaagsan u socdo Shirka wada-tashiga Qaran ee ka socda Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xalinta caqabadaha hortaagan hirgalinta heshiiskii doorasho ee 17-kii September.

Madaxweyne Deni oo la hadlayay Shacabka Puntland ayaa sheegay in wadada uu hada ku socdo Shirka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble ay keeni doonto in xal laga gaaro khilaafyadii hore u jiray, dalkuna oo aado doorasho.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in khilaafaadka siyaasadeed ee dhexdooda ah ay ku dhameeyaan wada-hadal iyo isu tanaasul, ayna ilaaliyaan wadajirkooda.