Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulan leh

Shir u dhaxeeya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ka socda Airport Hotel, iyagoo ka wada hadlaya sidii xal looga gaari lahaa muranka u dhaxeeya ee labada garab ee Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi oo shirka dhexdooda ahaa uu is faham waa ku dhamaaday.

Shir jaraa’id oo la filayay inay qabtaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la hakiyay, kaddib codsi la soo sheegay inuu uga yimid Puntland iyo Jubbaland, waxaana laga cabsi qabay in shirkaas jaraa’id uu xiisada cirka geliyo, gaar ahaan haddii ay ka hadli lahaayeen kulanka Ra’iisul Wasaaraha uu la qaatay Guddoomiye Cabdi Xaashi oo markii uu soo dhamaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu shaaciyay inuu is afgarad ku soo dhamaaday.

Arrinta Somaliland ayaa ka mid ah labada qodob ee ugu adag shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.