Mareykanka oo xayiraad kusoo rogaya Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Itoobiya

Mareykanka ayaa ku soo rogay xayiraadaha fiisaha madax ka soo jeeda dalalka Itoobiya iyo Eriteriya ee lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalka lix biloodlaha ah ee ka socda gobolka Tigreega ee Itoobiya.

Xoghayaha Arimaha Dibbada ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay axadii in sidoo kale cunaqabateyn lagu soo rogayo kaalmada dhaqaale iyo mida amni ee la siiyo Ethiopia balse aysan ka mid ahayn gargaarka bini’aadanimo ee dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo waxbarashada.

“Dadka ku dhaqan Tigreega waxa ay weli wajahayaan xadgudubyo xuquuqul insaanka, waxaana si deg deg ah loogu baahan yahay in gargaarka bina-aadamnimada ay gaaraan shacabka ku nool Tigray balse waxaa ka hortaagan ciidamo hubeysan oo militariga Itoobiya iyo Ereteriya,” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo saaray.

“Xayiraadan waxa ay saameyneysaa Saraakiisha hadda jirta ama kuwii hore ee itoobiya ama Eriteriya, xubnaha ciidamada amaanka iyo xubno ka tirsan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF) – oo masuul ka ah, ama ku lug leh. ee, wiiqaysa xallinta mashaakilka ka taagan Tigray. ”ayuu sii raaciyay Blinken.

Ciidamada iyo askarta Itoobiya oo ay wehelinayaan ciidamo ka socda dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa lagu eedeeyay xasuuq iyo dilal ay u gaysteen dagaalka ay kula jiraan jabhada.

Sidoo kale Xoghayaha Arrimaha Dibbada Maraykanka ayaa cambaareeyey kufsiga baahsan ee lagula kacay haweenka gobolka Tigray iyo xadgudubyada kale ee xuquuqda aadanaha.

Blinken wuxuu ka digay in haddii kuwa mas’uulka ka ah carqaladeynta xallinta xiisadda Tigreega ay ku guuldareystaan ​​inay dib uga laabtaan wadada, waa inay ka fikiraan tallaabooyin dheeri ah oo kaga yimaada Mareykanka iyo bulshada caalamka.

Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in dambiyo dagaal laga yaabo inay galeen dhamaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka.