Puntland iyo Galmudug oo mamnuucay isku socodka gaadiidka Bajaajta ee Gaalkacyo (VIDEO)

Gudoomiya Gobalka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur Ayaa Maanta Shirka Amniga Gobolka Mudug oo ay si wada jira uga wada so qayb galeen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Shirka oo isbuuclaa ayaa waxaa Goob joog ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug Galmudug, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Gobolka Mudug,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug Puntland iyo qaar kamida taliyayaasha Boolis Labada Dhinac Ee Gobolka Mudug.

Kulanka ayaa waxa uu kadhacey Xarunta Maamulka Gobalka Mudug Ee Galmudug waxaana Kasoobaxey Go,aamo ku saabsan in waxii ka bilowda sideeda fiidnimo la hakiyey socodka Gaariga looyaqaan Bajaajta arimo la xiriira xaalado amni awgooda.