Shacabka Puntland oo 22 sanno kaddib safaf ugu jira goobaha diiwaanagalinta codbixiyayaasha (VIDEO)

Diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka Golayaasha deegaanka Puntland ayaa ka soconaysa degmooyinka katirsan Puntland, kuwaas oo lagu qabanayo Doorashooyinka horudhaca ah, waxaana talaabadan ka dhigan tahay in 22 sanno kaddib Aas-aaskii Puntland ay Shacabku u dareerayaan inay soo doortaan Madaxda hoggaaminaysa.

Degmooyinka ay ka socoto diiwaangalinta oo kala ah Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayaa Shacabka kunool safaf dhaadheer ugu jiraan Goobaha diiwaangalinta, si ay uga qeybqaataan doorashooyinka Golaha Deegaanka Dowladaha Hoose ee degmooyinkaas.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland oo diiwaangalinta wada ayaa sheegay inay haatan gaareen deegaanada iyo miyiga Saddexda degmo si loo diiwaangaliyo dadka kunool, ayna xaq ugu yeeshaan inay codkooda ku doortaan Masuuliyiintooda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay habka ay u socoto hirgelinta nidaamka Dimuqraadiyada Puntland, waxaana uu ugu baaqay Shacabka kunool degmooyinka ay ka socoto diiwaangalintu inay muujiyaan dulqaad iyo biseyl, ayna isdiiwaangaliyaan.