Shir ku saabsan qiimeynta kartida Shaqaalaha Puntland oo lagu qabtay Garoowe (Sawirro)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta qabatay shir ku saabsan habka qiimaynta kartida shaqaalaha ee loo yaqaan ( performance Appraisal)

Kulanka ayaa mid ku aadan in lagu soo ban dhigo sida ugu wanagsan ee looga faa’idaysannaayo shaqalaaha Wasaaradda iyadoo diiradda lugu saarayo sidii masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu ay u qiimayn lahaayeen shaqaalaha ay xukumaan, iyadoo loo samayn doono shaqalaaha waaxyaha dhamaantood qeexidda shaqooyinkooda ( Terms of reference).

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayagoo ku bogaadiyay khabiirka Soo jeedinta sameeyay, shaqada wanagsan ee uu qabtay.