Sidee ku yimid kulanka Rooble iyo Cabdi Xaashi, Maxaase kasoo baxay ? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Gobalada Waqooyi, oo dood badan ka taagan tahay, Labada dhinac ayaana is afgarad ka gaaray kulanka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo uu baahiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Kulanka sidee ku yimid ?

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo xalay kulan casho ah la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ka shaqeeyay Kulanka Rooble iyo Cabdi Xaashi, kaddib markii doodo badan hareeyeen Shirkii shalay ee Madaxda Soomaalida.

Kulamo dhexmaray Guddiyo ka kala socday Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isfahan darro kusoo dhamaaday, kaddib markii Mahdi uu diiday soo jeedin ka timid Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo ku aadaneyd inay Labada masuul si siman u qeybsadaan Xildhibaanada Gobalada Waqooyi.

Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa ku doodaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu yahay masuulka u sareeya ee matala Gobalada Waqooyi, iyagoona soo jeediyay inuu Masuul ka noqdo Maamulka doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi ama ay si siman u wadaagaan Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda xil-gaarsiinta ah soo xulistooda.