Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Madaxda Soomaalida oo lasoo gaba-gabeeynayo

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa lagu wadaa inuu soo gaba-gaboobo maalinimada berrito ah, iyadoo laga soo saari doono War-murtiyeed ku saabsan Arrimaha looga dooday Shirka iyo heshiisyada laga gaaray.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Idilnews u sheegay in Shirka oo maanta galay maalintii saddexaad laga gaaray is afgarad inta badan qodobadii caqabadaha ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Arrinta Gobalka Gedo, Amniga Doorashada iyo qodobo kale.

Sidoo kale, Madaxda ayaa saacadihii ugu dambeeyay dadaal ugu jiray xal u helida Khilaafka Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, waxaana jiray kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Madaxda Shirka ka qeybgalaysa oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Masuuliyiinta kasoo jeeda Gobalada Waqooyi, kuwaas oo rajo wanaagsan laga muujiyay.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ka duwan Shirarkii hore ee Madaxda, maadama uu ka maqan yahay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo oo lagu eedeeyo inuu ahaa fashilayaha Shirarkii Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Idilnews