Akhriso: Magacyada iyo Qabiilada Guddoomiyashii soo maray magaalada Kismaayo 1960 – 2021

Gudoomiyeyaashii Ama Mayorskii Magaalada kismaayo soo maray sanadkii 1960 ilaa Haatan 2021 iyo Qabiilada ay kasoo Jeedeen .

1- Maxamed cabdalla biindhe-biindha oo u dhashay beesha Majeerteen Wadalmuge waa duqqii ugu Horeeyey Magaalada kismaayo 1959 ilaa 1964 Waana Ninkii ay Talyaaniga Kismayo ku Wareejiyeen .

2- Cumar Lulaaye oo u dhashay beesha Majeerteen Cismaan Maxamuud .

3- xaaji Maxamed mire oo u dhashay beesha Majeerteen ciise Maxamuud .

4- Xaaji Aadan Suudi oo u dhashay beesha Mareexaan Reer Diini .

5- Jamaal Shire Jibriil oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud .

6- idiris Warsame Gurxan oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud .

7- Korneyl Cabdulahi sheekh Cismaan oo uu Dhashay beesha Mareexaan Reer Diini .

8- Faarax Sugule Xirsi oo u dhashay beesha Mareexaan Reer Diini .

9-Xaaji Cabdi Yare oo u dhashay beesha dhulbahante .

10- Admiral Axmed Diiriye Daahir Diirshe oo u dhashay beesha Majeerteen Cumar Maxamuud Haatan kismayo buu ku nool Yahay.

11- Axmed yare Xaaji cilmi oo uu Dhashay beesha Leelkase Reer muumin .

12- Korneyl Mustaf maxamed Colow oo u dhashay beesha Habargidir sacad.

13- Korneyl Axmed Dheere oo u dhashay beesha Mareexaan Wagardhac .

14- Korneyl Cabdi Buulle Oo u dhashay Beesha Dir Surre Faqul Maxamed .

15- Cawil faragaab oo u dhashay beesha ogaadeen maqaabul .

16- Macalin Yuusuf oo u Dhashay Beesha Ogaadeen Reer Cabdulle .

17- maxamed Cumar Jimcaale oo u dhashay beesha Abgaal , Daauud isagaa ugu Dambeeyey 1990 Markii qabta ay Dhaceysay .

18- Korneyl Cabdulaahi Yuusuf Qaldaan oo u dhashay beesha Majeerteen Reer biciidyahan 2013 ilaa 2014 .

19-ibraahim Tima-jilac oo u dhashay beesha Majeerteen ciise Maxamuud 2014 ilaa haatan 2020 .

Xuquuqda qoraalka Keydka taariikhda Soomaaliya.