Akhriso: Maxay kala aaminsan yihiin Madaxda ku shirsan Teendhada Afisyooni ee Muqdisho ?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu guul ugu soo dhamaan lahaa Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, kass oo galay maalintii Afaraad.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ay dhinacyada Shirku ka muujiyeen kalsooni xumo, iyo in uusan aheyn Ruux mowqifkiisu cad yahay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Maxamed Xasan Lafta-garee ayaa la sheegay inuu ku xiran yahay Farmaajo iyo Fahad, halka Madaxweynaha Hirshabelle Cali Xuseen Guudlaawe uu isku dhiibay Midowga Musharixiinta, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa ku howlan sidii u fashilin lahaa Shirka, isagoo soo dhexmaraya Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, maadama Shirka oo guul kusoo dhamaada uu meesha ka saarayo sumcadiisii, cadeynaya inuu ahaa ruuxa sababta u ahaa fashiliyay Shirarkii hore.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaana dhankiisa doonaya in uu magac sameeyo oo shirku guulaysto, wallow uu ka muuqdo jileec farabadan, sida ay tilmaamayaan Dadka ku agdhow.

1.Qodobka reer Waqooyiga,waxuu ku daaban yahay Farmaajo Mahdi Guuleed si uu ufashiliyo tanaasul walba oo guul keeni kara.

2.Qodobka Gedo,waxuu qorshaystay in uu ku carqaladeeyo hadii heshiiskii 17-Sep wax laga badelo in uu keeno 13-kii Banaadir.

3.Gudiyada xaalad weyn kama taagna dhinac walba isfahan waa ka ogol yahay.

Madxaweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa muujinaya masuuliyad dheeri ah, wallow Dadka ka agdhow ay tilmaamayaan in aysan qaadanay qodobo aan u cuntamin.

Jibril Qoobey.