Guddoomiye Sanyare “Qabiilkii heshiis la gala Al-Shabaab, waxaan u aqoonsanaynaa Argagixiso” (VIDEO)

Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur, ayaa si adag uga digay Qabaa’ilka Gobolka Mudug, in ay wax xiriir ah la yeeshaan Ururka Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Abdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay inay soo baxayaan warar ku saabsan in Qabaa’ilka Mudug qaarkood ay hadda Al-Shabaab heshiisyo la galayaan, taas oo uu si adag uga digay cid kasta oo ku dhaqaaqda tallaabadas.

“Ciddii lagu ogaado in ay Shabaab heshiis la gashayna, ama Qabiil weyn ha noqoto ama qof ha noqotee, waxay noogu calaamadsanaan in ay Shabaab yihiin, sidii qabiilna ula macaamili mayno” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Abdiladiif Muuse Nuur.