Puntland: Imtixaanka shahaadiga ah oo u soo gaba-gaboobay 12,027 oo Arday

Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyadda dhexe ee deegaanada Puntland ayaa maanta oo talaado ah uu u soo gaba-gaboobayaa imtixaanka Shahaadiga ah ee Sanad Dugsiyeedka 2020/2021, kaas oo ka bilowday Puntland sabtidii.

Arday u fariisatay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Dowladda Puntland oo gaarayay 12, 027 oo Arday, ayaa saaka galay imtixaanka Labadii maado ee ugu dambeysay, halka Arday fasalka 12-aad ee dugsiyadda Sare ee Puntland uu imtixaanku u dhamaan doono khamiista soo socota.

Wasaaradda Waxbarashada & Tacliinta Sare Ee Puntland ayaa sheegtay inuu siyaaday Celceliska korarka sannadlaha ah ee ardayda u farisaneysa imtixaanka 2021, Fasalka Afraad ( F4) Gabdhaha: 6%, Wiilasha : 4%, Galaaska Sideedaad (G8): Gabdhaha: 9%, Wiilasha: 6%.