Sidee ayay isugu hayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed Guddiga doorashada Xildhibaanada Waqooyi ?

Sida la isugu haayo hab qeybsiga Dhismaha Guddiga Doorashada Feit, Siet iyo Xalinta Khilaafaadka ee Gobolada Waqooyi/Somaliland.

1- Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo magacaabaya 3 xubnood

  1. Guddiga SEIT 8 xubnood
  2. Guddiga FEIT 2 xubnood
  3. Guddiga xalinta khilaafadka 2 xubnood

Garabka Mahdi Guuleed ayaa doonaya in garabka Cabdi Xaashi ay afar xubnood ka qaataan Guddiga SEIT oo 8 xubnood ah, halka Xubnaha Guddiga FEIT iyo Xalinta Khilaafaadka oo min labo xubnood ah ay ka yimaadaan dhanka Mahdi Guuleed.

Dood iyo wada hadal dheer garabka Cabdi Xaashi ayaa shalay Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay shan xubnood ay qaataan, balse markii Cabdi Xaashi kula noqday xubnihii kale ee garabkiisa ahaa waa ay ku gacan seyreen, iyagoo dalbaday in la isla ekaado oo Guddiga FEIT iyo Xalinta khilaafaadka min xubin ka helaan.