Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Muqdisho iyo Madaxda oo heshiis gaaray

Shirka Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka ayaa maalintii afaraad soo dhamaaday, iyadoo Madaxda ka qeybgalaysa ay is afgarad ka gaareen dhamaan qodobadii doodaha adag ka taagnaayeen ee hortaagnaa heshiis rasmi ah oo laga gaaro hirgalinta Heshiiskii 17-kii September.

Shirka maanta ayaa Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ku lafagureen xal u helida Doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, waxaana la sheegay inay ku guuleysteen in la qanciyo Labada garab ee isku haya oo ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Madaxda Shirka ka qeybgalaysa ayaa berri nasan doona doona, iyagoo kulamo gaar gaar ah la yeelan doona Waftigoodii iyo Siyaasiyiinta kale ee ku sugan Muqdisho, waxaana Shirka lasoo gaba-gabeyn doonaa khamiista, sida ilo-wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Idilnews.

Idil Television