Xasan Sheekh iyo Kheyre oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire, oo kamid ah Midowga Musharixiinta ayaa kulan ku yeeshay maanta Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid ay goobjoog ahaayeen Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdullaahi Sanbaloolshe, ayaa looga hadlay xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo la filayo in dhowaan heshiis laga gaaro.

Siyaasiyiinta baratanka ugu jira xilka Madaxweynaha ayaa bilaabay isbaheysi iyo kulamo siyaasadeed, kuwaas oo ay ku xoojinayaan olalahooda.