Akhriso: Khudbadii James Swan uu ka jeediyay Golaha Ammaanka QM

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee dalka Soomaaliya James Swan ayaa khudbad dheer uu ujeediyey maanta Golaha Amaanka waxa uu ugaga hadlay xaalada Soomaaliya.

James Swan oo khudbadan jeediyay kadib hadal uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Maxamed Cabdirizaq Golaha ammaanka iyo Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira ayaa ugu horeyntii waxa uu ku ammaanay ciidamada AMISOM howlgalada ay dalka Soomaaliya ka wadaan.

“Waxaanan ku amaanayaa geesinimada iyo go’aan qaadashada ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM maadaama ay horumar ka sameynayaan nabadda iyo amniga dalka.”ayuu yiri Swan.

Waxa uu ka warbixiyay maraxaladihii ay soo martay siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha la isku khilaafay ee doorashooyinka. Waxana uu soo hadal qaaday muddo kororsigii uu Golaha Shacabka isku dayay.

“Geedi socodka siyaasadeed ee lagu hirgalinayo doorashooyinka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay la kulmay caqabado badan. Wadahadalkii udhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka oo bilowday bishii Maarso ayaa si nasiib daro ah u burburay horaantii bishii April. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markaa kadib ansixiyay “Sharci Gaar ah” oo baabi’inaya heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, iyadoo dib loogu noqonayo qaab hal qof iyo hal cod ah, iyo in loo kordhiyo waqtiga howl-wadeennada xafiiska hadda jooga illaa laba sano oo dheeri ah. Ka soo horjeedka talaabooyinkan waxay keeneen abaabul maleeshiyo iyo kala qaybsanaan soo dhex gashay ciidamada amniga Soomaaliya. Isku dhacyo gacan ka hadal ah ayaa ka dhacay 25-kii Abriil.”ayuu yiri James Swan.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa xaalada meel halis ah ka soo celiyay kadib cadaadis xoog leh. Golaha Shacabka 1dii Maajo ayuu dib ugala noqday Sharciga Gaarka ah, codsi ka yimid Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”. Madaxweynaha ayaa intaas kadib awood u siiyay Ra’iisul Wasaaraha inuu hogaamiyo ka qeybgalka DFS ee howlaha doorashooyinka, oo ay ku jiraan qabanqaabada amniga iyo wadahadalada ay la leeyihiin FMSes. Tallaabooyinkani waxay si weyn u yareeyeen xiisadihii.”

“Raiisel wasaare Muxamed Xuseen Rooble wuxuu qabtay shir cusub oo DFS-FMS ah 22kii Maajo. Kadib shirar isdaba joog ah oo kalsooni dhisid ah, wada hadalada ayaa hada udub dhexaad u ah xalinta arimaha harsan ee laxidhiidha dhaqan galinta heshiiskii Sebtember 17 iyo soojeedinta Gudiga Farsamada ee Baydhabo. Waxaa naloo sheegay in, ilaa iyo hada, jawi wanaagsan uu jiro. Hadana hadii aan ku daro, Mudane Madaxweyne warka galabta sidoo kale waa mid aad uwanaagsan, waxayna umuuqataa mabaadi’da soomaalida inay aad ugu dhowdahay heshiis, waxaana laga sugayaa inay kudhawaaqaan saacadaha soo socda.”ayuu yiri Swan isagoo ka hadlayay kulanka ka furmay Muqdisho Xerada Afisyone.

Khudbadiisa ayuu James Swan ugaga hadlay doorka uu xafiiska Qaramada Midoobay ku leeyahay shirka ka socda Muqdisho.

“Kooxda Qaramada Midoobay waxay ka taageertay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha qabanqaabada shir madaxeedka, waxayna si weyn u bogaadiyeen tabarucaada deeq-bixiyeyaasha muhiimka ah ee arrintan ku saabsan. Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa Midowga Afrika, Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Dowlad-Goboleedyada ee Horumarinta, iyo la-hawlgalayaasha kale ee ka hawlgala arrimaha diblomaasiyadeed.

Marka la eego dadaalladan diblomaasiyadeed ee wadajirka ah, waxaan si qoto dheer uga xunahay diidmada Dowladda Soomaaliya ee Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.”ayuu yiri James Swan.

“Waxaan mar labaad kula dardaarmayaa hogaamiyaasha Soomaaliyeed inay xalka ugu raadiyaan niyad wanaag, iyo inay muujiyaan hogaaminta dalku uga baahan yahay iyaga xilligan taariikhiga ah. Saxiixayaasha heshiiska 17-ka Sebtember waa inay hadda ballan-qaadaan waddo cad oo horay loogu qaadayo qabashada doorashooyinka. Taas la’aanteed, horumarka laga gaarayo ahmiyadaha muhiimka ah ee qaranka ayaa sii wadi doona inuu carqaladeeyo, ama ka sii darnaado, dib looga noqdo meelaha muhiimka ah, oo ay ku jiraan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.”

“Marka la guda galayo doorashooyinka, waxaa muhiim ah in haweenka ay helaan boqolkiiba 30 ugu yaraan matalaada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ka mid noqoshada haweenka, laakiin sidoo kale dhalinyarada iyo kooxaha laga tirada badan yahay, marka la gaarayo go’aaminta siyaasadeed ee horay loo sii socdo waxay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta horumarka dalka iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.”

James Swan ayaa khudbadiisa waxa uu ugaga hadlay dhinaca amniga dalka Soomaaliya;
“Xaaladda amniga ayaa weli ah mid laga walaaco. Al-Shabaab weli waa khatar weyn oo muujinaysa awoodda ay u leedahay qorsheynta iyo fulinta weerarada adag ee lala beegsanayo bartilmaameedyo kala duwan oo ku baahsan Soomaaliya. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay waxaa si faahfaahsan loogu sharaxay warbixintii ugu dambeysay ee Xoghayaha Guud. Waxaa kufilan in la dhaho Al-Shabaab waxay muujiyeen dadaal iyo adkeysi bilihii la soo dhaafay. Hawlgallada Ciidamada Amniga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa sidaas darteed weli muhiim u ah sii joogteynta cadaadiska kooxdan.”

Ugu dambeyntii waxa uu ka sheegay shirka golaha ammaanka maanta Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan;