Jilaaga caanka ahaa ee Sooraan oo ku geeryooday Burco

Sooraan Ismaaciil Sugulle oo aha mid Kamida majaajilaystayaasha loogu jecelyahay taariikhda casriga ah ee fanka Soomaalida, ayaa ku geeriyooday magaalada Burco kadib in muddo ah oo uu u jiifay caabuqa COVID-19.

COVID-19 ayaa majaajilaystaha haleelay kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku joogay dalka Jabuuti oo uu kaga qayb galay doorashadii dib loogu doortay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Jilaaga ayaa isbitaal ku yaala magaalada Burco la dhigay 16 bishan May, halkaasi oo uu ugu danbayntii maanta ku geeriyooday.

Sooraan ayaa aha mid kamida majaalaystayaasha loogu jecelyahay ee fanka Soomaalida, wuxuuna caan ku aha riwaayado gaagaban iyo filimo taxanayaal ah oo TVyada laga baahin jiray.