Madaxweynaha Puntland ” Sooraan wuxuu ahaa Abwaan iyo Jilaa aad uga dhex muuqday suugaanta Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ayaa ka tacsiyeeyay geerida jilaagii caanka ahaa Sooraan Ismaaciil Sugulle, oo maanta ku geeryooday Magaalada Burco.

“Alle ha u naxariisto Sooraan Ismaaciil Sugulle, wuxuu ahaa Abwaan, Jilaa iyo Fannaan, aad uga dhex muuqday Fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo uu waxbadan kusoo kordhiyay.”

“Waxaan geerida Abwaan Sooraan uga tacsiyeynaya, Eheladiisii iyo Qoyskii uu ka geeriyooday, bahda fanka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed.”

Idilnews