Mashruuc hirgalinta naleynta waddooyinka oo laga daah-furay Deegaanka Jalam (Sawirro)

Wasiirka Haweenka Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamanka oo ay wehliyaan masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Xildhibaano hore, Qurbo joog iyo maamulka Degmada Buurtinle ayaa maanta kaqeybgalay qorshe lagu daahfurey mashruuc ku kacaya lacag dhan 15,000 USD oo lagu iftiiminayo magaalada Jalam kaasoo ku yimid firkad ku dhisan iskaa wax u qabso oo ay hogaaminayeen bulshada deegaankaas.

Waxaana isla fadhigii maanta lagu dhamaystirey lacagta mashruucaasi ku kacayo oo dhan shan iyo toban kun oo dollar iyadoona ay ka qeybqaateen saddex mudane oo ka tirsan baarlamanka Puntland,Wasiirka Haweenka,Xildhibaano hore,Qurbo joog iyo Guddiyo wakiil ka ahaa Bulshada deegaanka Jalam.

Jibril Qoobey.