Puntland iyo UN OCHA oo ka wada-hadlay ka jawaabida xaaladaha deg-dega ah (Sawirro)

Wasiir dowlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim ayaa saaka Shir la yeeshay Mrs Orla Clinton oo ah lataliye sare o ka tirsan Hay’adda UN OCHA.

Shirka oo u jeedadiisu ahyd sidii deg deg looga jawaabi lahaa Xaaladaha bini’aadantinimo ee ka jira Puntland, sida Ayaxa, fatahaadaha iyo Abaaraha soo noq noqda iyo sidii la isugu dubba -ridi lahaa deeqaha caalamiga ah ee la xiriira arrimaha bini’aadanimada.