Sawirro: Dadka kunool miyiga Puntland oo isku diiwaangalinaya Doorashooyinka

Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Puntland ayaa waxaa weli ka soconaya diiwaangalinta codbixiyayaasha Doorashooyinka hordhaca ah oo lagu qabanayo saddexdan degmo, ayna Shacabku kusoo dooranayaan Golayaasha Deegaanka.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in diiwaangalintu ay si weyn uga socota deegaanada iyo miyiga degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, ayna Shacabku safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada kaararka codbixiyaha, iyagoona Guddigu sheegeen inay meel kasta oo dad joogaan, kana tirsan degmooyinkan ay geynayaan diiwaangalinta.

Sawirro ay baahiyeen Guddiga ayaa muujinaya Shacabka kunool deegaanada Maraye, Kabaal, Xasbahale, Dhiganle, Biyacado iyo dhulka miyiga ah ee ku xeeran ee hoosyimaada degmada Eyl ee gobolka Nugaal oo safaf dhaadheer ugalay diiwaangalinta codbixinta.