Xiisad u dhexeysa Madaxweynaha DDS iyo Beesha Majeerteen oo ka taagan Gobalka Doollo

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxamed Cumar (Cagjar), oo dagaal siyaasadeed kula jiray tan iyo intii uu xafiiska yimid Beesha Majeerteen ee degta deegaanka, ayaa qaaday talaabo ka careysiisay Beesha.

Mustafe Cagjar ayaa Beesha Majeerteen ka qaaday mid kamid ah Labadii kursi ee ay ku lahaayeen Baarlamaanka DDS, oo kasoo gali jiray degmada Wardheer ee Gobalka Doollo, isagoona siiyay Beesha Ismaaciil Gumcadle oo aan waligeed qaadan Kursigaas.

Beesha Majeerteen,ayaa awood qaybsiga Xildhibaanada ee Degmada Wardheer ka hesha 3-Kursi oo kala ah, 2 Xildhibaan oo Baarlamaanka Deegaanka ah. iyo 1 Xildhinaan oo heer Fadaraal ah, waxaana horey looga qaaday Xildhibaankii Fadaraalka ahaa.

Talaabada uu Cagjar qaaday ayaa ka careysiisay Beesha Majeerteen oo degta 85% Gobalka Doollo, waxaana haatan ka taagan Gobalka xiisad, taas oo hadii ay sii xoogaysato keeni karta gacan ka hadal dhiig ku daato, sida ay kusoo waramayaan dadka deegaanka.

Idilnews