Beesha Caalamka oo si wadajir ah usoo dhawaysay Heshiiska Doorashada

Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan sida guusha leh ee lagu soo gabagabeeyey shir-madaxeedkii Soomaalidu hormuudka ka ahayd, ayna lahayd, iyagoo ku amaanaya Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble sida uu u hoggaamiyay geeddi-socodkan.

Sidoo kale waxay beesha Caalamku ku amaantay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo dhammaan hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaaliyeed ee saameynta leh hannaankii wax ku oolka ahaa oo ay uga qeybqaateen is afgaradka.

Waxa ay ugu baaqaynaan dhammaan saamileyda in ay si degdeg ah horey ugu socdaan si loo abaabulo doorashooyin loo wada dhanyahay oo daahfuran dib u dhac la’aan ah.

Jibril Qoobey.