Booliska Puntland iyo Galmudug oo howlgallo ka sameeyay Gaalkacyo (Sawirro)

Ciidammada Booliiska Puntland iyo Galmudug, ayaa xalay hawlgal wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga waxay ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo.

Ciidammada oo iskaashanaya ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha labada dhinac.

Hawlgalka waxa lagu qabtay dad kala duwan oo lagu tuhmayo falal amni-darro ah, kuwaas oo saraakiishu sheegeen in baaritaan lagu samaynayo.