Booliska Puntland oo amaro kusoo rogay gaadiidka ka baxaya iyo kuwa galaya Gaalkacyo (VIDEO)

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug ayaa soo saaray Awaamir cusub oo ku aadan adkeynta Amniga, waxaana ay shaaciyeen goob lagu hubinayo gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya oo laga hirgaliyay magaalada Gaalkacyo.

Taliye kuxigeenka Qeybta Booliska Gobalka Mudug G/dhexe Cabdisiciid Xuseen Jaamac, oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay la hubin doono Gaadiidka soo gala Magaalada Gaalkacyo iyo kuwa ka baxa, isagoona ku amray darawalada gaadiidka inay u hoggaansamaan Awaamiirka Dowladda.