Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta oo kulan haatan leh.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Midowga Musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh Mohamud, Sharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire ayaa haatan ka socda guriga Guddoomiye Xaashi ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayaa tabashada Guddoomiye Xaashi ee ku aadan heshiis ay gaareen Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble iyo Madaxweynahayaasha Dowlad Gobaleedyada, gaar ahaan qodobka la xariira doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa sidii guddoomiye Cabdi Xaashi loogu qancin lahaa qaadashada 5-ta xubnood ee laga siiyey guddiga farsamada ee loo xilsaarayo xallinta arinta xildhibaanada gobolada woqoooyi iyo inuu ka qeybgalo shirka Afisyooni.

Jibril Qoobey