Guddoomiyaha Aqalka Sare oo lagu qanciyay ka qeybgalka xiritaanka Shirka

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa aqbalay inuu ka qeybgalo munaasabadda xiritaanka Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka, oo uu diiday.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ogalaaday ka qeybgalka kulanka kaddib kulan ay la yeesheen xubnaha midowga musharixiinta oo ay horkacayaan Madaxweynayaashii hore ee Dalka Hassan Sheikh MohamudSharif Sheikh Ahmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Hassan Ali Khaire.

Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiye Cabdi Xaashi lagu qanciyay in loo kordhinayo xubnaha uu ku yeelanaya Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi, kaddib dadaal ay sameeyeen Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Midowga Musharixiinta.