Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka horyimid heshiiska Shirka Afisyooni (Akhriso)

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee taabacsan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa ka horyimid heshiiska Doorashada ee la filayo in maanta lagu saxiixo xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ay soo saareen siyaasiyiintaas ayay ku sheegen in aan wax talo ah ku lahayn saddex qodob oo ka mid heshiiska Afisyone.

“Waxaan u cadeyneynaa saamileyda siyaasadda, shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, in wax talo ah aanaa ku laheyn, wax xoga oo sax ahna aanaa ka helin sida loo dhigay arrinta Somaliland oo ka mid aheyd seddax qodob oo xalkooda loo qabtay shirka,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareyn Siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee taabacsan garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa ku hanjabay in ay qaadan doonaan go’aan masiiri ah.