Madaxweynaha Masar oo gaaray Dalka Jabuuti

Madaxweynaha Dalka Masar Cabdifataax Al-siisii iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta booqasho ku tagay dalka jabuuti, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Dalkaasi.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Masar Al-siisii uu kala hadli doono dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle sida loo xoojin karo xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha amniga iyo dhaqaalaha.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wada hadli doona horumarka gobalka iyo xaaladda guud ee qaaradda Afrika.