Rooble, Cabdi Xaashi iyo Madaxweynayaasha DG oo kulan gaar ah leh

Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa kulan gaar ah haatan uga socda Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlayaa xal u helida tabashada Guddoomiye Cabdi Xaashi, ee ku aadan sida loo qeybiyay xubnaha Guddiga doorashada Xildhibaanada Gobalada Waqooyi.

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Mohamed Abdullahi Farmaajo, oo ku sugan Teendhada Afisyooni ayaan qeyb ka aheyn kulanka, oo looga hadlayo caqabada hortaagan bilaabashada xafladda xiritaanka Shirka.

Jibril Qoobey