Shirka Madaxda Soomaalida ee Muqdisho oo maanta soo xirmaya

Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gaba-gaboobo, waxaa socota munaasabadda xiritaanka Shirka oo galay maalintiisii 5-aad.

Shirka oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble, ayna ka qeybgalayeen Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ayaa is afgarad looga gaaray qaar kamid ah qodobadii caqabada ku ahaa hirgalinta heshiiskii 17-kii September, waxaana kuwa harsan loo balamay kulamada kale.

Madaxda Shirka ka qeybgalaysay, Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday, Midowga Musharixiinta,  iyo xubno matalaya Bulshada Rayidka ah ayaa la filayaa inay khudbaddo ka jeediyaan xafladda xiritaanka Shirka.

Jibril Qoobey