Madaxweyne Deni oo isku-shaandeyn ku sameynaya Golaha Wasiirada Puntland

Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, oo horaanta Asbuucan dib ugu soo laabanaya Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa isku shaandheyn ku sameyn doono Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Deni ayaa xilka ka qaadaya illaa 5 Wasiir, oo ay kamid yihiin Wasiirada Caafimaadka, Cadaaladda, Shaqada iyo Shaqaalaha, isagoona u magacaabaya Wasiiro cusub, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa isku bedeli doona Wasiirada qaarkood, waxaana uu buuxin doonaa Wasaaradaha Kalluumeysiga iyo Deegaanka oo Wasiiro la,aan ah muddo dheer.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xilka ka xayuubin doona qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda, sida Arrimaha Gudaha, Amniga, Cadaaladda, Kalluumeysiga, Shaqada iyo Shaqaalaha, iyo Puntland TV.

Jibril Qoobey