40 Kun oo arday oo u fariisanaya Imtixaanka dugsiga Sare ee DFS

In ka badan 40-kun oo arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilaal ayaa maanta u fariisatay Imtixaan sanadeedka fasalka 12-aad ee Dugsiga sare 2020/21.

Ardayda saaka u fariisaneysa imtixaankan ayaa ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Imtixaanka ayaa socon doona muddo shan maalmood ah Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la geeyay goobaha imtixaanka lagu qaadayo kuwaas oo aad u adkeeyey amaanka si gaar ah wadooyinka soo galayo goobaha Muqdisho saakay imtixaanka ardayda ku galayso

Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyin dheeraad ah la qaaday imtixaankuna yahay mid lagu kalsoonaan karo