Axmed Madoobe oo fariin u diray Ardayda Jubbaland ee Imtixaanka u fariisatay

Madaxweynaha Jubbaland H.E Ahmed Mohamed Islaam, ayaa hambalyo u diray arday Reer Jubbaland ee maanta u fariisatay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2020/2021, isagoona sheegay inuu u rajeynayo guul.

Madaxweyne H.E Ahmed Mohamed Islaam oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri “Waxaan idiin rajeynayaa guul wiilasha iyo Gabdha maanta u fariisatay imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.”

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray “Maanta waxaad ka gudbaysaan mid kamid ah marxaladaha waxbarasho ee mudo badan aad ku taamayseen waxayna saldhig u noqon doontaa guulo badan oo idinka iyo waalidkiin iyo guud ahaan dalkaba aad ku anfici doontaan.”

“Si gaar ah waxaan maalinkan weyn ula qeybsanayaa Ardayda ree Jubaland oo mar walba dadaalkoodu uu geeyo kaalmaha hore ee natiijooyinka wax ku oolka ah Waxaan rabi “SWC” idinkaga baryayaa in uu imtixaanka idiin fududeeyo.”