Kormeerayaal ka socda Caalamka oo gaaray Somaliland, xilli doorashadu berri bilaaban (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muse Bihi Abdi, ayaa maanta qaabilay Wafti abalaaran oo uu hoggaaminayo Agaasimaha guud hay’adda Brenthurst Foundation, Dr Greg Mills, uuna qeyb ka yahay Madaxweynihii hore ee Sierra Leone Mr. Ernest Bai Koroma.

Ujeedada socdaalka Waftigan oo ka kala socda in ka badan 10 Wadan ayaa ah kormeerka iyo qiimaynta doorashooyinka Wakiillada iyo Deegaanka ee ka qabsoomaya Somaliland 31-May-2021, oo hal maalin ka harsan tahay.

Dalalka ay ka kala socdaan goobjoogayaashu waxay kala yihiin, UK, Canada, South Africa, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra Leone iyo Mozambique.

Jibril Qoobey