Midowga Musharixiinta “Ma kala tagayno ilaa inta doorashada ka dhaceyso” (VIDEO)

Golaha Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday iney soo dhaweynayaan heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyin dalka.

Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyay sidii looga hortagi lahaa fowdo, khalalaase amni daro iyo xaalad kalitalisnimo oo uu dalka gali lahaa.

“Golaha Midowga Musharaxiinta waxay sii wadi doonaan dadaalada aay kaga mira dhaliyeen in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka, Galaha makala tagi doonaan ilaa inta doorashada ka dhaceyso” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta Daahir Geelle.

Ugu dambeyntii kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa imaanaya iyadoo Khamiistii lasoo dhaafay la shaaciyay in heshiis rasmi ah laga gaaray caqabadahii hortaagnaa doorashada dalka, islamarkaana la shaaciyay in muddo 60 cisho gudahood ah aay dalka uga dhici doonto doorasho wadar ogol ah.