Puntland oo daah-furtay wajiga labaad ee tallaalka cudurka COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa maanta daah-furtay wajiga labaad ee tallaalka cudurka COVID-19, kaas oo ka bilowday 9 Gobal ee Puntland.

Tallaalkan ayaa waxaa qaadan doona dadkii horey u qaatay wajigii kowaad ee cudurka COVID-19, waxaana si gaar ah loogu talagalay shaqaalaha ku gudajira la-tacaalida cudurka COVID-19, Macalimiinta, iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta.

Wasiir Hon Jama Farah Hassan, ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay qaataan tallaalka, si looga hortago faa’fitaanka cudurka COVID-19.

Jibril Qoobey