Shir looga hadlay la-dagaalanka Al-Argagixisada oo lagu qabtay Boosaaso (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Bari Ahna Guddoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir Guddoomiyay shirka Todobaadlaha ah ee Amniga Gobolka Bari, iyadoo ay ka soo qeyb galeen guddiga Nabadgalyada Gobolka Bari.

Shirka ayaa intii uu socday waxa la iskaga Xog-waraystay go’aamona laga gaaray xaallada Nabadgalyada ee Gobolka, la dagaalka iyo hortaga kooxaha nabad diidka ah ee Daacish Iyo shabaab, ka hortaga xaalufka Deegaanka, Iyo xaallada guud ee amniga Gobolka.