Soomaalida iyo Canfarta Itoobiya oo heshiis ku gaaray Addis Ababa

Kulan lagu heshiisiinayay Qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta, ayna garwadeen ka aheyd Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Kulankaas oo diiradda lagu saaray colaadda soo noqnoqotay ee u dhaxaysa labada dhinac iyo sidii xal waara looga gaari lahaa colaaddaasi. waxaana ka qeybgalay Odayaasha Dhaqanka labada dhinac ee Soomaalida iyo Canfarta, kuwaas oo dadaal ku bixinayay sidi xal loo gaari lahaa.

Labada Qoomiyadood ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid ahaayeen in laga wada shaqeeyo nabadda iyo wada noolaanshaha.